Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan la yeeshay wefti sare oo ka socday awladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Ingiriiska, masuuliyiin ka socday Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Somaliland iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.
Wasiirku waxa uu soo bandhigay qorshaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee casriyeynta iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda isku-xidhnaanta hay’adaha, adeegsiga tiknoolajiyadda iyo horumarinta awoodaha hawlgalka.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay qorshaha Somaliland National Operations Command Centre (SL-NOCC), oo ah xarun qaran oo loogu talagalay isku-dubbaridka hay’adaha amniga, wadaagga xogta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Dhinaca kale Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha dib-u-habaynta iyo horumarinta ee wasaaradda Arrimaha gudaha, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.



Be the first to comment