Hargeysa-Kalfdhi aan cadi ahayn ee mudaneyaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera ayaa ka qabsooomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cabdiqani Maxamuud Caaateeye , kal-fadhigaasi oo lagu doortay gudoon cusub.
Duqa Degmada Berbera ayaa loo doortay Mudane Maxamed Ibrahin Ismacil ( dable ) , halka Maayir kuxigeenka loo doortay Baashe Cabdilahi Yacqub.
Mudaneyashan oo ka koobnaa 8 mudane ayaa aqbalay hogaanka cusub sidoo kalena aqbalay is casiladi gudoonkii hore.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa si rasmiya u soo xidhay kal fadhigan , sido kalena sheegay in uu u rajaynaayo horumarinta Degmada Berbera.

