Hargeysa-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabka Maraykanka ka tacsiyadaysay geerida ku timi Senator Lindsey Graham.
War-qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay dawlada iyo shacabka Maraykanka ka tacsiyadaysay geerida ku timi Senator Lindsey Graham.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay sheegtay in Senator Lindsey Graham uu ahaa siyaasi caan ah oo sumcad weyn ku lahaa saaxadda siyaasadda caalamka, isla markaana uu saaxiib dhow la ahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumaddu waxay qoraalkaas ku sheegtay inuu Senator Lindsey door muuqda ka qaatay horumarinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay tilmaantay inay Somaliland in shacabka Maraykanka ay la qaybsanayso geerida Senator Senator Lindsey.


Be the first to comment