Hantidhawrka Guud oo Baadhis ka Bilaabay Gobollada Dalka.

Hargeysa-Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka JSL, ayaa shaaciyay inuu maanta si rasmi ah u bilaabay hawl-gallo baadhiseed oo ka socda xafiisyada guddoomiyeyaasha gobollada Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo Gabiley.

Sida Lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Hantidhawraha Guud ee Qaranka, ayaa Lagu sheegay in Baadhitaannada ay isugu jiraan baadhis maaliyaddeed, baadhis waxqabad iyo baadhis la xidhiidha u hoggaansanaanta sharciga.

Xafiiska Hantidhawrku wuxuu sheegay in ujeeddada baadhitaannadu tahay in la hubiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka khayraadka dawladda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xaqiijinta in hayโ€™adaha dawladdu u hoggaansamaan xeerarka iyo habraacyada maamul iyo maaliyaddeed.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa ugu baaqay dhammaan hayโ€™adaha ay baadhistu ka socoto inay si dhow ula shaqeeyaan kooxaha baadhista, isla markaana ay fududeeyaan helitaanka xogaha iyo dukumentiyada loo baahan yahay.

Warsaxaafadeedku waxa uu xusay in natiijooyinka baadhista lagu soo bandhigi doono warbixin rasmi ah marka hawlgalladu soo dhammaadaan.