Ciidanka Qaranka oo sameeyay Tababar Casri ah

Hargeysa-Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa sameeyay tababar muhiim ah.

Sida lagu baahiyay baraha bulshada ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ciidanku sameeyeen tababar ku saabsan maaraynta saadka iyo diyaar-garowga hawlgallada gargaarka baniโ€™aadantinimo iyo ka jawaabista musiibooyinka degdegga ah, kaas oo lagu qabtay nawaaxiga magaalada Hargeysa.
โ€Ž
โ€ŽCiidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya Ciidammada Saaxiibbada caalamiga ah ee Somaliland, ayaa sameeyey tababarkan oo ahaa mid lagu xoojinayey isku dubbarididda hawlgallada, hagaajinta qorshaynta saadka, wuxuuna adkaynayaey sida ay ciidanka qaranka Somaliland uga goโ€™an tahay diyaar-garowga qaran iyo xasilloonida gobolka.
โ€Ž
โ€ŽTababarkani wuxuu ka turjumayey xirfadda iyo hufnaanta Ciidanka Qaranka Somaliland, ee u diyaargarowga hawlaha muhiim ka u ah Amniga iyo Bad-qabka la xidhiidha.
โ€Ž
โ€ŽWaxa kale oo uu sii xoojinayaa awooddiisa buuxda ee uu kaga jawaabi karo baahiyaha mustaqbalka ee la xidhiidha gargaarka baniโ€™aadantinimo iyo gurmadka marka ay dhacaan musiibooyinku.