Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Xubno iska Casilay Hoggaanka Xisbiga KAAH

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa qaabilay garabkii iska casilay hoggaanka xisbiga Kaah ee dhawaan kusoo biiray xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii looga wada shaqayn lahaa danta guud, xoojinta qaran-nimada, ilaalinta ictiraafka JSL iyo horumarinta xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI.

Dhinaca xisbiga WADDANI waxa goobjoog ahaa guddoomiye kuxigeennada xisbiga Mudane Maxamed X. Yuusuf Waabeeye iyo Mudane Xil. Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf.

Dhanka garabka hoggaanka Xisbiga Kaah ee iscasilay waxa goobjoog ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga Kaah Mudane Maxamed Ibraahim Aadan Qabyotire, Guddoomiye kuxigeenkii xisbiga Kaah Mudane Cabdinaasir Maxamed Shire, Afhayeenkii xisbiga Kaah Mudane Xassan Cabdilaahi Mataan iyo masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*