Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka shiray Miisaaniyadda 2027

Hargeysa-Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdillaahi Xasan Aadan, kaas oo lagaga hadlay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, hannaanka diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2027 iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda.


Kulanka ayaa Wasiirku ku soo bandhigay warbixin ku saabsan haykalka dhaqaalaha dalka, siyaasadaha dakhliga iyo kharashka dawladda, iyo mudnaanta Miisaaniyadda 2027 oo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, xoojinta nabadgelyada iyo difaaca qaranka, horumarinta dawlad-wanaagga iyo adeegyada bulshada.

Sidoo kale, waxa la caddeeyey in diyaarinta miisaaniyaddu ku socoto si waafaqsan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka (Xeer Lr. 75/2025), iyadoo lagu salaynayo hufnaan, isla-xisaabtan iyo wada-tashi joogto ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*