Hargeysa-Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde ayaa bulshada Somaliland ugu baaqday inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka cashuur-bixinta, iyadoo sheegtay in cashuuruhu yihiin laf-dhabarta horumarka dalka iyo adeegyada bulshada.
Waxay tilmaantay in dakhliga ka soo xarooda cashuuraha lagu horumariyo adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha waddooyinka, isla markaana ay yihiin tiirka ay dawladnimadu ku shaqayso.
Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde ayaa shacabka ku dhiirrigelisay inay sii xoojiyaan isku-duubnida iyo wadajirka, iyadoo xustay in horumarka Somaliland lagu gaadhay dadaal wadajir ah, cashuur-bixin iyo masuuliyad qaran.
Marwo Aamina Weris waxay bulshada ugu baaqday inay adkaystaan, guntiga dhiisha isaga dhigaan, kana qayb qaataan dhismaha dalka iyagoo bixinaya cashuurta oo ah dhaqaalaha lagu sii horumarinayo adeegyada iyo hay’adaha dawliga ah.


Be the first to comment