Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Madaxa cusub ee Xafiiska EUCAP Somaliland, Arsi Alanne, oo dhawaan la wareegay hoggaanka xafiiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa Xafiiska Amniga Badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo EUCAP, gaar ahaan taageerada dhinaca amniga badda iyo ilaalinta xeebaha Somaliland.
Masuuliyiintu waxay tibaaxeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda iskaashigan xilli ay jiraan xaalado amni oo cakiran oo ka jira gobolka iyo caalamkaba, taas oo lama huraan ka dhigaysa dardargelinta dedaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo amniga xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Xafiiska Amniga Badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo ku-xigeenkiisa.




