Hargeysa-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa warbixin sharci iyo taariikheed oo qoto dheer oo ay qortay ku bayaamisay in Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay saldhigyo sharci iyo xuduudeed oo si buuxda uga soocaysa Soomaaliya.
Marwo Edna waxa ay iftiimisay in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhisan tahay, isla markaana waafaqsan tahay shuruucda caalamiga ah iyo soohdimaha la isku raacsan yahay ee gumeysigu kaga tagay Afrika.
Drs. Edna Aadan waxay sidaas ku sheegtay warbixin ay ugu talogashay warbaahinta caalamiga ah, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxayna tibaaxday in xudduudaha Somaliland la dejiyey xilligii maxmiyaddii British Somaliland Protectorate muddadii u dhexaysay 1884 illaa 1960kii, iyadoo heshiisyo rasmi ah Ingiriisku kala galay Itoobiya, Faransiiska iyo Talyaaniga, heshiisyadaas oo si cad u qeexayay soohdimaha dhuleed ee Somaliland, taas oo ka dhigtay dhul si rasmi ah loo aqoonsaday oo leh xudduudo mucayin ah ka hor madax-bannaanidii ay qaadatay Somaliland sannadkii 1960kii.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibaddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Somaliland ay xorriyaddeeda qaadatay 26-kii June 1960 iyadoo noqotay dawlad madax-bannaan oo ay aqoonsadeen in ka badan 30 dal, halka Soomaaliya Talyaanigu xukumi jiray ay madax-bannaanideeda heshay shan maalmood kadib, taas oo markhaati u ah in labada dhinac ay ahaayeen laba dal oo kala madax-bannaan ka hor midowgii 1960kii.
Waxay sidoo kale xustay in midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aanu sharciyan marnaba tirtirin xuduudihii labada dal kala lahaayeen, balse uu ahaa heshiis siyaasaddeed oo dhexmaray laba dawladood oo madax-bannaan, iyadoo tilmaantay in heshiisyadii sharci ee midowgaas xuddunta u ahaa aan si waafaqsan sharciga loo ansixin, taas oo dhaawacday sharciyaddii midowgaasi.
Edna Aadan Ismaaciil waxay ku dooday in burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1991 kadib, Somaliland ay si sharci ah ugu noqotay xuduudihii ay lahayd markii ay xornimada qaadatay 26-kii June 1960kii oo ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1991kii.
Marwo Edna Aadan waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo beesha caalamku inay aqoonsadaan xaqiiqada sharci iyo taariikheed ee gaarka u ah Jamhuuriyadda Somaliland.

