Xukuumadda oo Baadhaysa Ruqsadaha Nin Lagu Tuhunsan yahay inuu sheegtay Dhakhtar.

Hargeysa-Komishanka Qaranka Mihnadaha Caafimaadka Somaliland, ayaa shaaciyay in la soo qabtay nin lagu magacaabo Hesham Osama, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci-darro ah uga shaqaynayay mihnadaha caafimaadka.

Komishanka ayaa sheegay in Hesham Osama uu iska dhigayay khabiir caafimaad oo ku takhasusay Neurosurgery Technician iyo Dermatologist, isaga oo aan haysan ruqsad rasmi ah oo uu ka helay hay’adaha sharciyeysan.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in baadhitaan lagu hayo aqoonsigiisa, shahaadooyinkiisa caafimaad, iyo habka uu dalka ku soo galay, iyadoo la xusay in haddii dambi lagu helo loo gudbin doono maxkamadaha Caddaaladda.

Komishanka Mihnadleyaasha caafimaadku waxay bulshada uga digtay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay la macaamilayaan shaqaalaha caafimaadka, isla markaana ay hubiyaan in ay haystaan ruqsad rasmi ah