Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa shaaciyay in siyaasadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu si buuxda mudnaan u siinayso dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo xusay in arrintani tahay tiir muhiim u ah horumarka iyo caddaaladda bulshada.
Wasiir Barkhad wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay ciyaartoy hore Cabdirisaaq Shabeel oo ka mid ah dadka naafada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka ayaa tibaaxay in Xukuumadda ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadka naafada ah, isaga oo tilmaamay in la sameynayo qorshayaal lagu xoojinayo ka-qaybgalka bulshada iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Wasiirku wuxuu daray agaasimeyaasha Idaacadda iyo Telefishanka inay joogto ka dhigaan barnaamijyada la xidhiidha dadka baahiyaha gaarka ah leh iyo naafada.
Waxa kaloo uu Cabdirisaaq Shabeel ku ammaanay inuu u istaagay sidii uu vodka dadka naafada ah ugu hadli lahaa oo uu albaab walba ugu garaaci lahaa.

