Hargeysa –Warbaahinta caalamiga ah ee AfriNews 24 ayaa warbixin qotodheer ku iftiimisay muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera.Warbixintan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu caddeeyay in dekedda Berbera ay door muhiimsan ah ku leedahay isbeddellada amni, dhaqaale iyo tartanka awoodda ee ka socda gobolka Badda Cas oo ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan dunida.
Warbixintu waxay si faahfaahsan u sharraxday in Berbera ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, taas oo ka dhigaysa marin laf-dhabar u ah isu socodka ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marinka Bab el-Mandeb.
Sidoo kale warbixintu wacay tibaaxday in korodhka khataraha amni ee Badda Cas uu dib u qaabayn ku keenay istiraatiijiyadaha dalal badan, taas oo sare u qaaday qiimaha iyo xiisaha loo qabo dekedaha muhiimka ah ee Geeska Afrika.
Dhinaca kale, warsidaha AfriNews waxay tilmaantay in Somaliland ay si isa soo taraysa u noqonayso xarun ay indhaha ku hayaan quwadaha caalamku, iyadoo uu kordhayo xiisaha la xidhiidha iskaashi amni iyo helitaanka marinno istiraatiiji ah.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in Somaliland, gaar ahaan Berbera, ay sii xoojinayso kaalinteeda muhiimka ah ee hoggaaminta isbeddellada juqraafi-siyaasadeed, isla markaana ay door muuqda ku yeelanayso dheellitirka awoodda ee gobolka iyo danaha caalamiga ah ee Badda Cas.

