Hargeysa-Fadhiigii saaka ee mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa ay dood ka yeesheen xaaladaha taagan ee dalka, taasi oo ay Xildhibaannadu aad u lafo gureen.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha aqalka Guurtidda, waxa ay dood dheer ka yeesheen Xaaladaha taagan ee dalka, taasi oo ah qodob ka mid ah ajandaha kalfadhigooda 90-aad.
Mudanayaasha golaha guurtidu waxa ay doodooda diirada ku saareen Colaada Galbeedka Somaliland oo ay sheegeen inay muddo socotay, waxaanay baaq nabadeed u direen Beelaha halkaasi ku diriraya Gobolka Selel.
Dhinaca kale, waxa ay sheegay Xuldhibaannadu in Xukuumadda Somaliland ay meel wanaagsan hadda marinayso nabadaynta beelahaasi, isla markaana ay xakamaysay in dagaal dambe ka dhaco jiidaas.
Waxa kale oo ay Xildhibaannadu ka doodeen xaaladda dagaalada Bariga dhexe iyo saamaynta dhaqan dhaqaale ee uu ku yeeshay Somaliland, waxaanay ganacsatada ugu baaqeen inay bulshadooda u naxaan oo ay ka jabiyaan maceeshada.
Ugu dambayn, waxa ay Xildhibaannada Golaha Guurtidu ugu baaqeen bulshada inay dhulka wax kala soo baxaan oo ay wax Beertaan, sidoo kale ka faa’iidaystaan Roobka da’aya, si looga hortago ku xidhnaanta waxyaabaha la soo dhoofinayo.

