Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo damiyay dab ka kacay Wershada Al-Alamiya ee Hargeysa.

Hargeysa – Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Hargeysa ayaa caawa damiyay dab ka kacay Wershada Al-Alamiya Food Industry oo ku taalla degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Dabka ayaa qabsaday qaybta istoodhka alaabta qasacadaysan ee bannaanka wershada, iyadoo ciidanku ka hortagay inuu gaadho qeybaha muhiimka ah ee wax-soo-saarka.

Ciidanka Dab-damiska oo sameeyay gurmad degdeg ah, ayaa si buuxda u xakameeyay dabka, iyadoo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).Sababta dabka ayaa weli la baadhayaa, mana jirto cid wax ku noqotay.

Ciidanku waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay ku rakibaan qalabka ka hortagga dabka si loo yareeyo khataraha noocan ah.