Hargeysa-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u beeninaysaa hadal ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelanayso Dawladda Israa’iil.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegay in Qoraalkaas ka soo baxay Dowladda Soomaaliya uu xambaarsan yahay xog aan sharci ahaan, taariikh ahaan khaldan, isla markaana aan ku dhisnayn xaqiiqooyin la hubo.
Warsaxaafadeedkan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal madax-bannaan oo xorriyadiisa qaatay 26-kii Juun 1960, xilligaas oo ay si gaar ah u aqoonsadeen dalal ka tirsan beesha caalamka.
Madax-bannaanidaas kama iman, mana ku xidhna wax amar ama awood ka timaadda magaalada Muqdisho.Sidaas darteed, Dowladda Soomaaliya ma laha wax sharci ah oo ay ku farageliso, uga hadasho ama ku xaddido xidhiidhada laba geesoodka ah ee Somaliland la yeelanayso dalalka kale.
Warsaxaafadeedku wuxuu caddeeyay in xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland yeelanayso ay yihiin xuquuq ka dhalatay madaxbannaanideeda, kaas oo aan u baahnayn oggolaansho dibadeed.
Sidoo kale, doodda ay Dowladda Soomaaliya ku celceliso ee ku saabsan wadajirka dhuleed ee arrintan lagu lifaaqayo waa mid aan meesha ku habboonayn isla markaana marin-habaabin ah.
Madaxbannaanida Somaliland waxay jirtay ka hor midowgii 1960, kaas oo aan lahayn saldhig sharci oo si rasmi ah u baabi’in kara jiritaanka dawladnimada Somaliland.
Warsaxaafadeedkan ayaa intaas ku daray in Iyadoo la raacayo mabda’a sii-jiritaanka dawladnimada, Somaliland waxay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991, waxayna in ka badan soddon sano si buuxda uga talinaysay dhulkeeda xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.
Xaqiiqadan waxaa si wanaagsan u fahamsan beesha caalamka. Somaliland waxay dhistay hay’ado dimuqraadi ah, waxay qabatay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, waxay ilaalisay nabad gudaha ah, waxayna noqotay saaxiib mas’uul ah oo ka jira gobol istiraatiiji ah.
Waxay ka qayb qaadatay la dagaallanka argagixisada, xakamaynta budhcad-badeedda, iyo sugidda marinnada badda ee muhiimka ah.Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxay weli si weyn ugu tiirsan tahay taageero amni oo dibadeed, arrintaas oo dhalinaysa su’aalo ku saabsan xasilloonideeda mustaqbalka fog.
Kala duwanaanshahan ayaa muujinaya awoodda Somaliland ee ku dhisan isku-filnaansho.
Xidhiidhada Somaliland la leedahay Dawladda Israa’iil, sida cilaaqaadka kale ee ay la leedahay dalalka caalamka, waxaa loo marayaa hab waafaqsan qawaaniinta iyo caadooyinka caalamiga ah.
Hadallada siyaasadeed ee ka soo horjeeda arrintaas waxba kama beddelayaan xaqiiqada jirta.Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka go’an nabad ku wada noolaanshaha, xasilloonida gobolka, iyo iskaashi caalami ah oo wax dhisaya.
Si kastaba ha ahaatee, madaxbannaanida Somaliland waa go’aan aan gorgortan geli karin, halka xidhiidhadw dibadeedna ay go’aamiso oo keliya rabitaanka qaran ee Somaliland.

