Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Milgo Sanbaloolshe, ayaa ka qayb gashay munaasibad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Adeegaha Bulshada, taas oo lagu qabtay Jaamacadda Hargeysa.
Wasiirku waxay halkaasi ka jeedisay hadal ay ku iftiimisay muhiimadda iyo doorka weyn ee uu leeyahay cilmiga adeegga bulshadu, iyada oo si gaar ah ugu boorrisay ardayda inay aqoontooda u adeegsadaan u adeegidda dalkooda iyo bulshada ay ka soo jeedaan.
Marwo Milgo Sanbaloolshe ayaa sidoo kale xustay in shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala gobollada iyo degmooyinka Somaliland ay guud ahaan yihiin adeegayaal bulsho, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarinta nolosha bulshada.
Waxay tilmaantay in shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ay yihiin adeegayaal bulsho, kuwaas oo door muuqda ka qaata adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.Dhanka kale, wasiirku waxay ardayda kula dardaarantay inay ilaaliyaan sirta qaranka iyo tan bulshada ay la macaamilayaan, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida iyo anshaxa shaqada adeegga bulshada.

