Tababar Maaliyadeed oo Somaliland iyo Baanka Adduunku Wada Qabteen oo Nairobi lagu Soo Gabagabeeyay.

Hargeysa-Tababarkan oo laba qaybood ka koobnaa, ayaa wajigiisii koowaad ka qabsoomay magaalada Hargeysa, halka wajigiisa labaad lagu soo gunaanaday magaalada Nairobi.

Qaybtii koowaad ee tababarka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta hufnaanta maaliyadeed, ka hortagga musuqmaasuqa, iyo sare u qaadista ilaalinta nidaamyada maaliyadeed.

Dhanka kale, wajiga labaad ayaa diiradda lagu saaray horumarinta awoodda hirgelinta mashaariicda, oo ay ka mid yihiin maaraynta maaliyadda (Financial Management), habraacyada iibsiga (Procurement), kormeerka iyo qiimeynta (M&E), ilaalinta deegaanka iyo bulshada (Environmental and Social), iyo xoojinta xidhiidhka daneeyayaasha mashaariicda.

Tababarkan waxaa ka qayb galay Agaasimayaal Guud oo ka kala socday wasaarado iyo hay’ado dowladeed oo fulinaya mashaariic uu maalgeliyo Baanka Adduunku, isku-duwayaasha mashaariicda (Project Coordinators), iyo sidoo kale saraakiil kale oo door muhiim ah ku leh hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Somaliland ku xoojinayso awoodda hay’adaha dowladda, si kor loogu qaado waxqabadka, isla markaana loo hubiyo hufnaan iyo isla xisaabtan ku saabsan mashaariicda horumarineed ee dalka.