Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Ganacsato ka soo jeeda dalka Australia oo iyagu danaynaya maalgashiga khayraadka Macdanta JSL.
Is-xog-waraysi ka dib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada reer Australia u sheegay in albaabada Somaliland ay u furan yihiin Maalgashiga Caalamiga ah, Qaranka JSL uu yahay mid madaxbannan, la isku hallayn karo oo leh shuruuc iyo xeerar adag oo si daah-furan loogu maamulo ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah.
Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa isaguna si diirran u soo dhawaysay ganacsatada reer Australia, isaga oo xusay in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin abuurista jawi maalgashi oo furan, hufan oo dhiirrigelinaya Maalgashiga Caalamiga ah, si loo xoojiyo koboca dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado maalgashi oo faaโiido u leh labada dhinacba.
Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taiwan, Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in uu muddo badan ku hawlanaa sidii ay weftigani u iman lahaayeen dalka Somaliland, isaga oo xusay in arrintani ay qayb ka tahay Istaraatiijiyadda guud ee Xukuumadda ee lagu soo jiidanayo maalgashi shisheeye, laguna horumarinayo ka faaโiidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





