Hargeysa-Warsidaha The Spectator Australia, ayaa daabacay warbixin uu qoray Jonathan Foreman oo ugu baaqay dawladda Ingiriiska inay si rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku dooday in ay buuxisay shuruudaha caalamiga ah ee dawladnimo.
Warbixinta Jonathan Foreman oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), wuxuu qoraagu tilmaamay in Somaliland ay tan iyo 1991 si nabdoon xornimadeedii ugala soo noqotay dalka fashilmay ee Soomaaliya, isla markaana ay dhisatay nidaam dimuqraadi ah oo xasilloon, halka Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacayso colaad iyo qalalaase.
Wuxuu xusay in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka jirto amni iyo nolol caadi ah, isla markaana aanay ka jirin Somaliland wax taageero ah oo ay siiyaan ciidammo shisheeye.
Mr. Foreman ayaa sidoo kale iftiimiyay sooyaalka taariikheed ee Somaliland, isagoo xusay in ay ahayd maxmiyad Ingiriisku siiyay madaxbannaanida, ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya 1960-kii, balse midowgaasi uu fashilmay, taas oo keentay tacaddiyo iyo burbur uu u geystay taliskii Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland.
Burburkaasi oo horseeday la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland 1991-kii.Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah, maadaama oo ay ku taal marin-biyoodka Bab el-Mandeb, isla markaana ay tahay meel ay danaynayaan quwadaha caalamku.
Mr. Foreman wuxuu ku tibaaxay in aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu ka saacidayo inay hesho maalgelin caalami ah iyo xoojinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Ugu dambayn, qoraagu wuxuu sheegay in inkasta oo Ingiriisku si dadban u taageero Somaliland, haddana ay tahay in uu qaato go’aan cad oo aqoonsi ah, maadaama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo ee caalamiga ah, isla markaana aqoonsigu uu keeni karo faa’iidooyin siyaasaddeed iyo dhaqaale.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa dabaqyaaqadii sannadkii hore aqoonsatay dawladda Israel.

