Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Saddex Guddi oo Maamulaya Nidaamka Xil-wareejinta Dawladda.

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabayo saddex guddi oo qaabilsan hirgelinta habraaca xil-wareejinta hay’adaha kala duwan ee dawladda, si loo xaqiijiyo kala guur nidaamsan oo hufan.

Guddiyada la magacaabay ayaa kala ah; guddida xil-wareejinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo ka kooban shan xubnood, laguna aaminay Wasiirka Madaxtooyada inuu guddoomiye ka noqdo, guddida xil-wareejinta ciidammada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga , iyo guddida xil-wareejinta dawladaha hoose oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Dawladaha Hoose.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa si adag u faraysa in masuul kasta oo xilka wareejinaya uu si dhamaystiran u gudbiyo dhammaan hantida, agabka iyo dukumentiyada uu xafiiskiisu maamulayey, oo ay ku jiraan gaadiidka iyo diiwaannada rasmiga ah.

Sidoo kale, waxa si cad loo mamnuucay in la wareejiyo wax deyn ah oo aan waafaqsanayn xeerarka iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka.