Tallaabada Madaxweynuhu Qaaday waa dhacdo Taariikhi ah oo Taabogelinaysa Toosinta Maamul-wanaagga.

Cumar Maxamed Faarax .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabo toosinaysa nidaamka maamul ee dalka.

Kaasi oo ah markii u horreysay ee dalka laga hirgelinayo in nidaamka xil wareejinnada Wasaaradaha, Hay’adaha dawladda iyo Dawladaha hoose ee dalka lagu dhaqo inay maraan nidaamka sharcigu jideeyay, iyadoo 35 ka sannadood ee dalku madaxbannaanidiisa la soo noqday uu nidaamka xilwareejintu ahaa mid ku sallaysan jaantaa rogan oo la qabatimay in xilwareejintu noqoto mid aan jiho sharci lahayn oo ku sallaysan hadba labada masuul ee xilka kala tirsanayaa waxa ay kala qortaan uun.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wuxuu Eebe ku ilhaamiyay inuu xeer madaxweyne ku soo saaro Xeerka dhismaha Guddiyada Xil-wareejinta Qaranka oo uu sidoo kale raaciyay waajibaadka shaqo ee guddiyaddaas xil wareejinta oo ka kooban saddex guddi oo mid waliba leedahay hawl iyo waajibaad cayiman oo suullinaysa wax kasta oo maamul xumo u horseedo kara in si sharciyada ka baxsan loola kala wareego masuuliyadaha qaran ee Hay’adaha dawladda.

Xeerkan waxa uu Madaxweynuhu si adag u xoojiyay in masuul kasta oo xilka wareejinayaa uu si dhammaystiran u gudbiyo dhammaan hantida, agabka iyo dukumentiyada uu xafiiskiiskiisa, oo ay ku jiraan gaadiidka iyo diiwaannada rasmiga ah.

Sidoo kale, waxa si cad loo xarimay in la wareejiyo wax deyn ah oo aan waafaqsanayn xeerarka iyo nidaamka maaliyaddeed ee dalka, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka.Guddiyada xilwareejinta ee madaxweynuhu wareegtada ku soo saaray ayaa u kala baxaya saddex guddi oo kala ah:

guddida xil-wareejinta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo ka kooban shan xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Madaxtooyada, guddida xil-wareejinta ciidammada oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Gaashaandhigga; iyo guddida xil-wareejinta dawladaha hoose oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Dawladaha Hoose.Xeerkan ayaa ah mid loo baahnaa oo iskugu jiray in lagu xoojiyo nidaamka maamul wannaagga dawladda, isla markaana lagaga gaashaanto musuqmaasuqa iyo in hantida ummadda lagu tagrifalo.

Shacbiga Somaliland ayaa si mug leh u soo dhaweeyay Xeerka madaxweynuhu soo saaray oo ay ku tilmaameen “sunne quwaynaya nidaamka dawladda oo muddo dheer la sugayay”.

Waxa ray’ulcaamka bulshada ee u riyaaqay wareegtada madaxweynuhu ay qabaan inay tahay dhaqan dawladdeed oo muddo dheer ka maqnaa Somaliland oo meesha ka saaraya in masuuliyadaha dawladda lagu dhaco hantida ummadda.

Waxa tallaabadani ay noqotay mid Xiligeedii timid oo dhabbada u xaadhaysa in la xakameeyo in Lagu gaboodfalo masuuliyadaha Qaranka.

Ugu dambayn, wareegtadan ayaa ah mid muujinaysa aragti dheerida iyo lexjeclada hoggaamineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).