Maayarka Boorama oo ka qaybgalay Shirkii Maalgashiga Itoobiya 2026.

Addis ababa-Maayirka magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa si rasmi ah uga qayb-galay Shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga iyo Ganacsiga Itoobiya 2026 (INVEST ETHIOPIA 2026), kaasi oo ka qabsoomay caasimadda Addis Ababa.

Maayarka ayaa casuumad sharaf leh ka helay Dawladda Itoobiya, isaga oo matalayay horumarka, koboca dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee ka jira magaalada Borama, oo si xawli ah u horumaraysa.

Intii uu shirku socday, Duqa Boorama waxa uu kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar-sare iyo ganacsato caalami ah oo ka qayb-galay shirkan, isaga oo si qoto dheer ugu bandhigay fursadaha maalgashi ee ka bannaan Boorama, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya, Mudane Axmed Shide, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee labada dhinac.

Ka qayb-galka Duqa Boorama ee shirkan taariikhiga ah waxa uu muujinayaa kaalinta sii kordhaysa ee ay Boorama ku leedahay iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika, iyo dadaalka joogtada ah ee maamulka magaalada ee ku aaddan soo jiidashada maalgashiyo caalami ah iyo horumar waara.