Berbera -Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay si weyn u noqotay tiir muhiim ah oo ka mid ah horumarka dhaqaale ee Somaliland, isla markaana ay ku socoto waddadii ay ku noqon lahayd xarun ganacsi oo istiraatiiji ah oo Geeska Afrika oo dhan saameyn ku leh.
Wakiilku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu tilmaamay in dedaallo joogto ah oo ay sameeyeen shacabka reer Somaliland iyo xukuumadihii kala dambeeyay ay suurto-geliyeen in Dekedda Berbera ay noqoto meel ay si weyn u soo jiidato indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah, kuwaas oo daneynaya fursadaha ganacsi ee ay bixiso goobteeda istiraatiijiga ah.
Danjire Kaysar wuxuu soo dhaweeyay koboca iyo xawliga maalgashiga ee Magaalada Berbera, isagoo sI gaar ah ugu bogaadiyay Maayarka Berbera kor u qaadista bilicda iyo waddooyinka Magaalada.
Waxa kaloo uu xusay in maamulka dekedda Berbera uu si Hagar la’aan ah uga shaqeeyo adeegyada muhiimka ah ee ay marsaddu u hayso shacbiga Somaliland iyo Geeska Afrikaba.
Ugu dambayn, Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa xusay in Dekedda iyo Magaalada Berbera ay yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dhaqaale ee dalka, isla markaana ay Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro si buuxda ugu howlan tahay in ay ka dhigto xarunta ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo isku xidhka Geeska Afrika iyo Afrika inteeda kaleba.


