Hargeysa-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa bogaadiyay hindise-sharciyeedka H.R.7993, oo ay soo bandhigeen Xildhibaan John W. Rose oo ks tirsan Congress-ka Maraykanka iyo asxaabtiisa, kaas oo qasdigiisu yahay in meesha Laga saaro caqabadaha Somaliland ka hortaagnaa inay cilaaqaad la yeellan karto nidaamka maaliyaddeed ee Mareykanka.
Sidaasna waxa uu Guddoomiyaha Baanku ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu tilmaamay inuu hore warqad rasmi ah ugu diray Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka 29-kii January 2026, waxaanu mar kale tibaaxay muhiimadda istiraatijiyaddeed ee la xidhiidha in Somaliland loo aqoonsado inay waafaqsan tahay nidaamyada maaliyaddeed ee caalamiga ah, isagoo xusay in tani aanay kaliya ahayn arrin xuquuq bini’aadantinimo, balse sidoo kale ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka iyo horumarka dhaqaalahaba.
Guddoomiye Cabdinaasir wuxuu intaas ku daray in Baanka Dhexe ee Somaliland uu si wax ku-ool ah uga shaqeynayo dib-u-habeyn dhammeystiran oo dhinaca maaliyadda ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka xeerarka maaliyaddeed, dhisida kaabayaal maaliyaddeed oo casri ah sida nidaamka qaranka ee lacag-bixinta degdega ah, xafiiska deyn-bixinta, caymiska kaydka, iyo nidaamka bangiyada dhexe, horumarinta tiknoolajiyadda iyo adkeynta amniga internetka, iyo hirgelinta xeerarka adag ee ka-hortagga lacag maydhista sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in ka mid noqoshada Jamhuuriyadda Somaliland ee nidaamyada caalamiga ahi uu horseedi doono in la suuliyo go’doonkii maaliyaddeed ee muddo dheer haystay, isla markaana ay xoojinayso xasilloonida mandaqada iyo koboca dhaqaalaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Baanka dhexe wuxuu bayaamiyay in hindise sharciyeedkani uu horumarin doono danaha istiraatijiyaddeed ee Mareykanka iyo Somaliland, iyadoo yaraynaysa ku-tiirsanaanta marinnada aan rasmiga ahayn, isla markaana uu kor u qaadayo hufnaanta iyo daahfurnaanta maaliyaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa ku caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay inay noqoto bahwadaag maaliyaddeed oo lagu kalsoonaan karo oo ay u heellan tahay ilaalinta sharciga sharciga caalamiga ah iyo kuwa goboleedba.

