Agaasimaha Madxafka Qaranka oo Qaabilay Professor Katherine.

BaxterHargeysa-Agaasimaha Madxafka Qaranka Somaliland, Cabdirisaq Maxamed Faarax, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Professor Katherine Baxter oo ka socotay Jaamacadda Northumbria University.

Kulankan ayaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada cilmi-baarista iyo ilaalinta hidaha taariikheed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta cilmi-baaris wadajir ah iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo, laguna horumarinayo hidaha taariikheed iyo dhaqameed ee Somaliland.

Cabdirisaq Maxamed Faarax ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan kaalinta muhiimka ah ee Madxafka Qaranka ku leeyahay kaydinta, ilaalinta iyo soo bandhigista taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha ummadda reer Somaliland.

Dhankeeda, Professor Katherine Baxter ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda mashaariic cilmi-baariseed oo ay si wadajir ah u fulin karaan Madxafka Qaranka iyo Jaamacadda Northumbria University.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha si loo xoojiyo fahamka taariikhda iyo dhaqamada kala duwan.

Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta labada dhinac, iyadoo la rajaynayo in mustaqbalka dhow la hirgeliyo barnaamijyo iyo mashaariic wadajir ah oo wax ku ool ah.