Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Digay Khataraha Xilliga Roobaadka.

Hargeysa-Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wargelin muhiim ah u diray dhammaan shacabka ku nool gobollada, degmooyinka iyo miyiga dalka, iyaga oo ka digay khataraha ka dhalan kara xilliga roobaadka ee hadda la galay.

Boolisku waxay dadka u sheegeen in ay ka fogaadaan goobaha dooxyada, laagaha, biraha laydhka iyo meelaha biyuhu ku qulqulayaan, si looga fogaado shilal iyo waxyeello kasta oo dhici karta.

Sidoo kale, Boolisku ayaa wadayaasha gaadiidka faray in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, xawaaraha gaadiidkana hoos u dhigaan, iyagoo raacaya awaamiirta Ciidanka Booliska si looga hortago shilalka iyo dhibaatooyinka ka dhasha roobabka.