Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Shacbiga uga Digay Goobaha Biyo-mareenka ah.

Hargeysa-Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Axmed Maxamed Caddaad, ayaa faahfaahin ka bixiyey roobabkii 48-dii saac ee u dambeeyay ka da’ay gobolka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana bulshada uga digay khataraha ka dhalan kara xilli-roobaadka.

Guddoomiye Caddaad waxa uu sheegay in roobabkaasi iyo daadadka ka dhashay ay sababeen dhimasho, isaga oo bulshada ugu baaqay inay ka feejignaadaan goobaha biyo-mareennada, dooxyada iyo laagaha ay biyaha xooggan marayaan, si looga badbaado halisaha ka iman kara.

Waxa uu sidoo kale dirawallada gaadiidka u soo jeediyey inay ka fogaadaan meelaha ay biyuhu xoogga ku socdaan, isla markaana ay mudnaanta siiyaan badbaadinta naftooda iyo dadka ay wataan.

Dhanka kale, Guddoomiye Axmed Maxamed Caddaad ayaa bulshada ku baraarujiyey khatarta ka iman karta biraha laydhka xilliyada roobka, isaga oo waalidiinta ku boorriyey inay si dhow ula socdaan ubadkooda inta lagu jiro xilli-roobaadka, si looga hortago shilal iyo dhibaatooyin kale.