Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shacbiga Somaliland Hambalyo u Diray.

Hargeysa-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Somaliland, farxadda maalinta Ciidda Fidriga awgeed, oo ku beegan Jimcaha beri ah oo ay bisha Shuwaal ee taariikhda Hijriyadu kow tahay (01/10/1447).

Guddoomiyuhu waxa uu shacabka u rajaynayaa farxad, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan, Ilaahayna nabadda iyo badhaadhaha u siyaadiyo, acmaashii wanaagsanayd ee bisha Ramadaana innaga aqbalo.

Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku boorinayaa in ay khayrka isku kaashadaan, wanaagga xoojiyaan, isku naxariistaan, is-kaalmaystaan, isna cafiyaan.

Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa in ciidan, ciidda ku gaadho cimri dheer, caafimaad-qab iyo cibaado suuban.