Hargeysa-Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan isagoo ku hadlaaya Magaca Gudidda Fulinta, Golaha Dhexe iyo Bah-weynta xisbiga, waxa uu Hambalyo u dirayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummada Islaamka ah, curashada bisha Shawaal (Soon-Fur) iyo maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga awgeed.
Guddoomiyaha ayaa Eebbe ka baryey inuu umadda islaamka ah ka aqbalo Acmaashii saalixa ahayd ee ay soo gutteen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, ugana dhigo dembi dhaaf.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in bisha Soon-Fur ay tahay bil barakaysan oo Fursad u ah dadyowga Islaamka, iyadoo dhammaystirta khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ugu dambayn Guddoomiyuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku booriyey inay xoojiyaan garab istaaga inta jilicsan, xilligan adag ee dadkeennu ay wajahayaan abaarta ku dhufutay deegaannada kala duwan ee dalka JSL.

