Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga kula Tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Salaadda Ciidal Fitriga Shacabka Caasimadda kula tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay kumannaan muwaadiniin ahi si wadajir ah ugu oogeen Salaadda Ciidda Soon-qaad, isaga oo hambalyo iyo bogaadinba u diray dhammaan ummadda Somaliland gudaha iyo dibaddaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay muhimadda ay leedahay midnimada Qaranka, ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in nabaddu ay tahay hanti Qaran oo u baahan in si wadajir ah loo ilaaliyo loona adkeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in ay u diirnaxaan dadkooda, isla markaana muujiyaan masuuliyad qaran xilligan ay dunida ka jiraan colaado adag, iyaga oo ilaalinaya xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu baaqay Shacabka Somaliland in ay garab istaagaan walaalahooda ay Abaarahu saameeyeen, isla markaana ay muujiyaan isu naxariisasho iyo is-caawin, si looga gudbo xaaladaha adag ee nololeed ee haatan jira.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shacabka ugu bushaareeyey in dhawaan Somaliland uu khayr badan u soo socdo, alle-na SWT waxaa uu ka baryey in uu ka aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan .

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝