Wasiirka Deegaanka oo la kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda UNCDF.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan, oo ay wehelinyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Abdi Ali Mahdi, iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03.03.2026 kulan la qaatay wefti ka socday Haya’adda Qaramada Midoobay ee la yidhaahdo UN Capita Development Fund (UNCDF) oo booqasho ku jooga dalka.

Weftigan dhanka UNCDF oo hogaaminayey Dr. Mkhululi Nucbe oo ah Country Manager, iyo Dr. Brend Panella oo aheyd Investment Specialist iyo Mohamed Ahmed oo ah Programme specialist.

Kulankan into uu socday, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo mashaariicda la xidhiidha la qabsiga iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada (WASH and Climate Resilience).

Kulankan waxa uu muujinayaa sida ay Wasaaradda Deegaanka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo helidda maalgelin lagu hirgeliyo mashaariic wax-ku-ool ah oo wax ka tara caqabadaha isbeddelka cimilada, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada nugul iyo deegaanka.