Hargeysa-Kulanka muhiimka ah oo saaka ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa lagu lafa-guray arrimo xasaasi ah oo khuseeya mustaqbalka Saxaafadda dalka, iyada oo la isku raacay in la dardargeliyo ansixinta Xeerka Saxaafadda iyo in xal waara laga gaadho xadhigga soo noq-noqda ee suxufiyiinta.
Kulankan oo dhexmaray hoggaanka sare ee Ururrada Saxaafadda Somaliland iyo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee horyaalla Golaha Wakiillada, ilaalinta anshaxa suxufiyiinta, iyo ka hortagga waxyaabaha ka hor imanaya Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee bulshada Somaliland.
Dhinaca kale, waxa si qoto dheer looga wada hadlay cabashooyinka la xidhiidha xadhigga suxufiyiinta, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan sharci iyo wada-tashi ku dhisan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha arrimaha warbaahinta.
Intii uu kulanku socday, waxa la isla gartay doorka muuqda ee warbaahinta madaxa-bannaan ka qaadatay halganka aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, midaynta bulshada iyo xoojinta qaranimada, taas oo lagu tilmaamay tiir muhiim u ah dhismaha dawladnimada.
Ugu dambayntii, waxa lagu heshiiyey in kulamada noocan ahi noqdaan kuwo joogto ah, si wadajirna xal waara looga gaadho caqabadaha horyaalla saxaafadda, isla markaana loo xoojiyo wada shaqaynta u dhexaysa Wasaaradda iyo Ururrada Saxaafadda.Dhanka ururrada saxafadda, waxa kulanka ka soo qayb-galay Guddoomiyaha SOLJA, Guddoomiyayaasha ururrada haweenka ee WIJA iyo FIMO.
Halka dhinaca Wasaaradda ay ka joogeen Wasiir-ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka oo kulanka isugu yeedhay, La-taliyaha Wasiirka ee arrimaha warbaahinta, Agaasimaha iyo Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Wada-xidhiidhka, iyo Agaasimayaasha Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa iyo Qorsheynta.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku saabsan xoojinta xidhiidhka iyo sii wadista wada-hadallada, iyadoo la qorsheeyey in mustaqbalka lagu daro daneeyayaasha kale ee khuseeya horumarinta saxaafadda iyo danaha qaranka.



