Wasiirka Tamarta iyo Shirkadaha Shidaalka oo 10,300 Booyadood ku Taageeray Guddida Abaaraha.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, oo ay weheliyaan shirkadaha shidaalka ee Genel Energy iyo OPIC-CPC Taiwan, ayaa 10,300 booyadood oo biyo ah ku wareejiyey Guddida Abaaraha Heer Qaran.

Deeqdan ayaa loogu talo galay in lagu taageero bulshooyinka ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Saraar, halkaas oo ay shirkadahani ka wadaan hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.

Qaybinta biyaha ayaa waxaa fulin doonta hay’adda waddaniga ah ee ACRIF, iyadoo mudnaanta la siinayo deegaanada ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ka dhexeeya dawladda iyo shirkadaha maalgashiga, si wax looga qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaarta, loona garab istaago bulshada nugul.