Washington-Machadka Hudson Institute ee magaalada Washington, ayaa lagu qabtay kulan heer sare ah oo si gaar ah diiradda loogu saaray aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta taageerada caalamiga ah ee ay raadinayso.
Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah waxa martigeliyay Michael Meservey oo ah Khabiir sare oo ku takhasusay siyaasadda Afrika.
Waxa ka qayb galay Sir Gavin Williamson Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga UK, oo muddo dheer u ololeynayay aqoonsiga Somaliland, iyo Dr. J. Peter Pham oo ah Danjire hore ugu fadhiyo jiray Maraykanka Dalal ku yaalla Afrika, oo mid ah diblomaasiyiinta taageerta qaddiyadda Somaliland.
Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Tan iyo markii 26-kii December Israel ictiraaftay Somaliland, Xafiiska Somaliland ee Maraykanka iyo saaxiibbadiisa caalamiga ah ayaa sare u qaaday dedaallada diblomaasiyaddeed ee ay ka wadaan Washington.
Waxaanay si mug leh ula shaqeynayaan machadyada cilmi-baadhista, warbaahinta, kooxaha ololeyaashaiyo xarumaha go’aan-qaadashada siyaasadda, si loo ballaadhiyo taageerada Somaliland ee fagaarayaasha siyaasadda Maraykanka.
Diblomaasiyiinta iyo xeeldheereyaasha ka qaybgalay kulanaas ayaan hore ugu baaqay Maraykanka inuu aqoonsado, isla markaana xidhiidh iskaashi la yeesho Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo ku yaalla Geeska Afrika.


