Hargeysa โ Hayโadda DT Global oo ka shaqeysa Ganacsiga iyo Horumarinta, ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay inay bilowday taageerada ay siinayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, si loo taabogeliyo Qorshaha Qaran ee lagu Ilaalinayo dhaqanka iyo hidaha aan lama taabtaanka ah, kaas oo la jaanqaadaya heerarka UNESCO iyo mudnaanta qaranka.
Waxa kaloo ay ka hadleen heshiiskii isafgarad ee ay dhawaan caasimada Hargeysa kula saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxana iskaashiga labada dhinac oo qayb ka ah Barnaamijka Horn of Africa Culture for Peace (HoA C4P), kaas oo waafaqsan heerarka Hay’adda UNESCO, oo ay maalgeliso Hayโadda Horumarinta Iswisarland (SDC).
Qoraalka hayโaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in heshiiskani saldhig u yahay nidaamka dawladda oo loo asteeyay ilaalinta hidaha Somaliland, oo ay ka mid yihiin suugaanta afka, hiddaha iyo fankaba. Hay’adda DT Global waxay caddeysay in himiladan isjaashiga lagu dhisi doono qiimeyn hayโadeed iyo la tashiyo sal-ballaadhan oo lala yeellanayo fanaaniin, waxgarad, haween iyo dhallinyaro si loo xaqiijiyo maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale, hayโaddu waxay bayaamisay inay bixin doonto tababarro lagu xoojinayo awoodda farsamo ee Wasaaradda iyo hayโadaha warbaahinta qaranka, oo ay ku jiraan Radio Hargeysa iyo SLNTV.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA,oo soo xigatay War-saxaafadeedka Hay’adda DT Global, ayaa lagu tilmaamay in la bilaabay wejiga hore ee qiimeynta mashruuca, iyadoo Wasaaradda Warfaafintu iiskaashigan ku sifaysay mid muhiim u ah ilaalinta iyo gudbinta dhaxalka dhaqameed ee Somaliland si uu u gaadho jiilasha mustaqbalka.
Heshiiskaas waxa Wasaaradda Warfaafinta u saxeexay Wasiir kuxigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Muuse Askar Guulleed oo uu weheliyay agaasimaha guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale.


