Isbahaysi cusub oo Israel ku soo Dartay Somaliland oo Ahamiyaddeeda la Qiray.

Hargeysa-Raysal-Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballaadhiyay istaraatiijiyaddiisa loo bixiyay “isbahaysiga hexagon-ka”, isaga oo ku daray Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ictiraafay daboyaaqadii sanadkii hore 2025.

Tallaabadan ayuu ku qeexay Raysal-wasaaraha Israel mid qayb ka ah qorshe ballaadhan oo lagu sugayo marinnada ganacsi ee istaraatiijiga ah ee isku xidha Badda Mediterranean-ka, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona isu-socodka dhaqaalaha caalamka.

Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, Netanyahu waxa uu sharraxay qorshe iskaashi oo ka kooban dalal ku kala yaalla Hindiya, Carabta, Afrika, Giriigga, Qubrus iyo qaar ka mid ah dalalka Aasiya.

Siday Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ka soo xigatay warbaahinta Israel waxa uu Netanyahu tibaaxay in qorshahan cusub uu mideynayo iskaashi dhaqaale, diblomaasiyaddeed iyo amni, isaga oo ku saleyn dalal “isku aragti ka ah xaqiiqooyinka, caqabadaha iyo yoolalka” gobolka iyo dunida.

Inkasta oo indhuhu ku jeedeen xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo Hindiya ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, haddana falanqeeyayaal iyo masuuliyiin ayaa tilmaamay in aqoonsiga Somaliland uu yahay tallaabo muujinaysa fidinta aragtidaas dhinaca Geeska Afrika.

Tani waxay ka dhigan tahay in istaraatiijiyadda iyo is xulafaysiga cusub ee Israel hindistay aanay ku koobnayn Bariga Dhexe oo keliya, balse ay si toos ah u taabanayso marinada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.

Juqraafi ahaan, Somaliland waxay ku taallaa gacanka Cadmeed, iyada oo leh xeeb ka badan 850 kiiloomitir, kuna dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ah surrin isku xidha a Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Qeyb weyn oo ka mid ah maraakiibta xamuulka iyo shidaalka adduunka ayaa sannad kasta mara halkaas.

Xeeldheereyaasha amniga gobolka ayaa sheegaya in aqoonsigu aanu ahayn mid astaan uun ah, balse uu ka tarjumayo faham istaraatiiji ah oo ku saabsan muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera oo loo arko saldhig suurtagal ah oo xoojin kara amniga iyo isu-socodka ganacsiga marinka Badda Cas.