๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐‡๐š๐๐ฒ๐š๐๐จ ๐๐š๐š๐ฅ๐ข ๐š๐ก ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐ข๐ข ๐ค๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐ค๐š ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa abaal-marimmo kala duwan oo qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Sare ka gashay tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah ee Madaxweynaha ee bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la soo gebo gabeeyey.

Munaasibadda Abaalmarinta Tartanka Madaxweynaha ee Bisha Ramadaan oo ay ku tartamaan Daโ€™yarta Xufaadda ah ee ka kala socota Gobollada dalka ee Wiilasha iyo Hablaha oo uu Madaxweynuhu ku soo kordhiyey ayaa ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada JSL waxana Madaxweynaha kala qayb galay Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, xubno ka mid ah Culimada dalka iyo qaar kamid ah macallimiintii ardaydan ku soo tacabtay.

Kaalinta koowaad ee tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah ee wiilasha waxa ku guulaystay Cabdilaahi Jaamac Saalax, oo ka socday Gobolka Sanaag, waxana uu Madaxweynuhu guddoonsiiyey Gaadhi cusub oo uu mulkiyaddiisa yeelanayo, halka Xamse Cabdiraxmaan Saalax oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex uu ku guulaystay kaalinta labaad, iyo Cabdirisaaq Axmed Jaamac oo ka socday Gobolka Togdheer oo ku guulaystay kaalinta saddexaad uu la guddoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ay ku mutaysteen kaalmaha sare ee ay ka galeen Tartanka Qurโ€™aanka ee ay galeen.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) sannadkii labaad oo xidhiidh ah uu Abaalmarimmo qaali ah guddoonsiiyey saddexdii hablood ee ugu sarreeyey Tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah ee Hawlaha khaaska u ah, waxana kaalinta koowaad gashay Rayaan Xuseen Axmed oo ka socotay Gobolka Awdal waxaana gacanta laga saaray abaal marin Dahab ah, halka Caasha Aadan Ducaale oo ka socotay Gobolka Maroodi-jeex ay kaalinta labaad ku guulaysatay iyo Bushra Cabdi Cali oo ka socotay gobolka Awdal, kaalinta saddexaadna ku guulaystay la guddoonsiiyey Abaal-marinno qaali ah oo kala duwan oo ay aad ugu farxeen.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Cumro dhammaystiran ku abaal mariyey maamulayaashii gacanta ku hayey Ardaygii kaalinta koowaad ka galay Tartanka Qurโ€™aanka Kariimka ah ee Wiilasha iyo Ardayaddii kaalinta koowaad u gashay tartanka qaybtiisa Hawlaha.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐