Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, kuna guda jira safar shaqo oo ay ku marayaan gobollada Bariga dalka, ayaa gaadhay deegaannada Qoryaale, Qaloocan, Harada Gubataxil iyo Waraabeeye.
Socdaalkan oo ahaa mid si qorshaysan loo diyaariyey ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta kormeerka tooska ah ee xarumaha caafimaad ee ku yaalla deegaannada fog-fog, si si dhab ah loogu qiimeeyo baahiyaha jira iyo heerka ay marayaan adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada.
Kormeerkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray tayada adeegyada, helitaanka dawooyinka, shaqaalaha caafimaadka, iyo habsami-u-socodka maamulka xarumaha.
Weftiga waxa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda, iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka.
Ugu horrayn, waftiga waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey deegaanka Qoryaale, halkaas oo ay kulamo midho-dhal ah kula yeesheen maamulka deegaanka, odayaasha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadaasi waxa lagu falanqeeyey xaaladda adeegyada caafimaad, baahiyaha mudnaanta leh, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta Wasaaradda iyo bulshada deegaanka.Intaa kadib, masuuliyiintu waxay u sii gudbeen deegaannada Qaloocan, Harada Gubataxil iyo Waraabeeye, iyagoo mid mid u booqday xarumaha caafimaad ee ku yaalla goobahaas. Wasiirka iyo waftigiisu waxay si dhow ula socdeen habka ay u socdaan adeegyada, waxayna warbixinno toos ah ka dhegeysteen shaqaalaha caafimaadka iyo masuuliyiinta xarumaha.
Waxa kale oo ay indhahooda ku soo arkeen xaaladaha dhabta ah ee ka jira goobahaas, si qorshayaasha Wasaaraddu u noqdaan kuwo ku salaysan xog dhab ah iyo baahi muuqata.
Socdaalkan shaqo waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, kuwaas oo lagu xaqiijinayo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana gaadha dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, gaar ahaan deegaannada ka fog xarumaha waaweyn.



