Hargeysa-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa qorshaha qaranka ee horumarinta waxbarashada guud ahaan, gaar ahaan kor u qaadista barashada farsamada gacanta (TVET), waxay dalka Itoobiya u dirtay konton (50) arday oo deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda Farsamada Gacanta ee dalkaas.
Ardaydan oo baran doona xirfado kala duwan oo laf-dhabar u ah horumarka dalka, waxaa safarkooda weheliyay wefti miisaan leh oo ka koobnaa Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta, Madaxa Deeqaha, iyo xubno sare oo ka tirsan xafiiska imtixaanaadka iyo manhajka.
Markii ay gaadheen dalka Itoobiya, waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday Jaamacadda iyo xafiiska waxbarashada ee Safaaradda JSL. Weftigu waxay kulamo muhiim ah la yeesheen hoggaanka sare ee Jaamacadda, iyagoo uga mahadceliyay fursadaha ay siiyeen ardayda Somaliland.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib, waxaa lagu guulaystay in Somaliland loogu daro labaatan (20) boos oo dheeraad ah, maadaama baahida farsamo ee dalku ay weyn tahay, taas oo wadarta guud ka dhigtay todobaatan arday.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isku afgarteen in Jaamacadda Itoobiya ay gacan ka geysato tababarrada macalimiinta ee gudaha iyo dibaddaba, si loo tayeyyo aqoonta macalimiinta farsamada.
Intii ay booqashadu socotay, mas’uuliyiintu waxay kormeereen ardaydii hore u dhiganaysay Jaamacadda, iyagoo kula qadeeyay hoygooda, isla markaana siiyay dhiirigelin iyo wacyigelin ku saabsan muhiimadda ay dalka u leeyihiin, gaar ahaan ardayda qalin-jabinaysa bisha lixaad ee sannadkan.
Weftigu kuma ekaan kaliya Jaamacadda, balse waxay booqasho ku tageen dugsiga farsamada ee SALAM Tech College, halkaas oo ay maamulka kala soo xaajoodeen sidii loo abuuri lahaa xidhiidh iskaashi oo dhex mara dugsiyada farsamada ee labada dal.


