Warbaahinta Honest Reporting Canada oo ka Hadlay Ahmiyadda Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa-Muuqbaahiyaha Honest Reporting Canada, ayaa warbixin ka sameeyay tallaabada ay dawladda Israel ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muhiimad weyn u leh mandaqada Geeska Afrika.

Muuqbaabiyaha Honest Reporting Canada, wuxuu warbixintaas ku warraystay Cumar Muuse Kaahin oo ka mid ah aqoonyahannada iyo hormuudka jaaliyadda Somaliland ee Canada, waxaanu sI qotodheer uga warramay ahmiyadda uu Aqoonsiga Israel u leeyahay Somaliland, waxaanu tilmaamay in labada dal ay jid adag oo xasuuq ay ku muteen ay u soo mareen sooyaalkooda dawladnimo.

Cumar Muuse Kaahin wuxuu ka xaal-warrantay marxaladihii ay Somaliland soo martay, oo ay 26 June 1960 ay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska, oo uu xusay in shan maalmood kadib ay midow aan la mahadin oo nasiib darro ah la gashay Soomaaliya.

Cumar Muuse wuxuu xusay in Israel ay ahayd dalkii u horreeyay ee bud-dhiga u ahaa dawladihii ictiraafay markii ay Somaliland qaadatay xornimada, wuxuuna tibaaxay in mar labaad ay Israel ay Somaliland dib u aqoonsatay 26 December 2025, taasi oo ka turjumaysa xidhiidhka guunka ah ee labada waddan ka dhexeeya.

Cumar Muuse wuxuu intaas ku daray in Somaliland tahay dal hodan ku ah khayraad kala duwan oo ay ka mid yihiin shiidaal, gaas iyo macdan kala duwan, isla markaana bogcadda istiraatijiga ah ee ay ku taallaa xoojinayso muhiimadeeda ballaadhan.

Waxa kaloo uu Cumar intaas raaciyay in Somaliland in 35-kii sannadood ee la soo dhaafay ay ahayd dal madaxbannaanidiisii la soo noqday oo leh dawlad dimuqraadi ah islamarkaana ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahan yahay qaran madaxbannaan oo ay ka mid yihiin, shacbiga, soohdimo mucayin ah, ciidan, lacag iyo dawlad awooda u leh inay gasho heshiisyo caalami ah.

Waxaanu ku dooday inay Somaliland mandaqad qalalaase hadheeyay ay ka samaysay dawlad dimuqraadi ah oo sI joogto ah u samaysay horusocod ballaadhan.

Cumar Muuse oo ka jawaabayay su’aal ahayd muxuu Turkigu uga gilgishay Aqoonsiga Somaliland, waxa uu sheegay in Turkigu uu wada qaatay oo la wareegay Soomaaliya gabi ahaanba, isla markaana is ballaadhintiisu ay sababtay inuu ka soo horjeedsado oo ka hinaaso Aqoonsiga Israel siisay Somaliland, isagoo aaminsan in marinka muhiimka ah ee Baabul- mandab ay Iman doonto Israel.

Cumar Muuse wuxuu sheegay in Somaliland ay maalgashi ka doonayso shirkadaha Ganacsiga ee Israel isla markaana labada dal yeellan doonaan iskaashi baaxad leh.