Hargeysa- Madaxweynaha JSL Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay in uu si toos ah ula socda ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo maanta ku kulmaya ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Horyaallada Somaliland. Ciyaartaas oo hadda ka socota garoonka Cabdalle Studium ee magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.
Madaxweynaha ayaa hambalyo hordhac ah u diray labada kooxoodba, isaga oo rajaynaya in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag.
“Waxa aan si toos ah u daawanayaa ciyaarta xiisaha leh ee dhex maraysa Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Militariga JSL iyo Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo maanta ku kulmay ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Horyaallada, oo ka dhacaysa Caasimadda Berbera ee Gobolka Saaxil. Waxa aan hambalyo hordhac ah u sii dirayaa labada kooxoodba, anniga oo rejaynaya in ay la yimaaddaan ciyaar wanaag, tartankooduna ka dhasho walaalnimo iyo is-ixtiraam buuxa. Ciyaaruhu waxa ay xoojiyaan midnimada, isdhexgalka bulshada, iyo kor u qaadista caafimaadka iyo hibada dhallinyarada.”
Hambalyo hor-dhac ah ayaan u dirayaa kooxda koobka qaadi doonta, Insha Allah”.


