Hargeysa- Wargeyska Addis Standard ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu fursad istiraatiijiyadeed u leeyahay Itoobiya.
Warsiduhu wuxuu sheegay in aqoonsigu uu Somaliland ka saacidayo inay ka badbaado colaadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo inay kor u qaado doorkeeda mandaqada.
Warbixintu waxa ay intaas ku daray in Somaliland, oo Jaar la ah Itoobiya isla markaana leh xuduudo ammaan ah ay Itoobiya ka caawin kara ka hortagga caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka imanaya dalalka dariska ah.
Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in marsadda Berbera ay u suurtagelineyso Itoobiya inay ka madax-bannaanaato ku tiirsanaanta Djibouti, iyadoo ka helaysa marin ammaan ah oo ay ka dhoofiso, kalana soo degto badeecadaha.
Ugu dambayn warbixinta Addis Standard waxaa lagu tilmaamay Jamhuuriyadda Somaliland saaxiib istiraatiiji ah oo aan la iska indhatiri karin, kaas oo muhiim u ah badbaadada siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika. waxa kaloo uu tibaaxay in aqoonsiga Somaliland uu noqonayo go’aan istiraatiijiyaddeed oo ahmiyad u leh Itoobiya.
