Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabanqaabisay kulan ballaadhan oo wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Kansarka (Cancer), kaas oo sanad kasta maanta oo kale laga xuso guud ahaan caalamka,
Kulankan ayaa Wasaaraddu si wadajir ah ula fulisay Taiwan Medical Mission in Somaliland iyo Xarunta Caafimaadka NEEDLE Pathology, iyadoo halku-dhigga sannadkan uu ahaa “United by Unique”, taas oo muujinaysa in la mideeyo dadaallada lagula tacaalayo kansarka, iyadoo la tixgelinayo kala-duwanaanshaha bukaan kasta iyo baahidiisa gaarka ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo khubaro ka kala socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), hay’adaha ka shaqeeya xanuunnada raaga iyo kuwa aan la kala qaadin, iyo sidoo kale dhakhaatiir ku takhasusay baadhitaannada iyo daawaynta kansarka.
Intii kulanku socday, waxaa la jeediyay khudbado wacyigelin ah iyo doodo cilmiyeed oo lagu falanqeeyay xaaladda xanuunka kansarka ee caalamka iyo tan Somaliland, caqabadaha jira, iyo sida bulsho ahaan iyo hay’ad ahaanba si mideysan looga hortagi karo xanuunkan saameynta ballaadhan leh.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay muwaadiniin ka mid ah dadka ka bogsaday xanuunka kansarka, kuwaas oo la wadaagay bulshada waayo-aragnimadooda, iyagoo si gaar ah u muujiyay dhibaatada uu xanuunkani leeyahay iyo saamaynta taban ee ka dhalata wacyi-la’aanta bulshada.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wacyiga bulshada, baadhitaannada hore (early detection), iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo yareeyo halista iyo faafitaanka xanuunka kansarka.

