Hargeysa-Madaxweynaha Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay in ganacsatada Israa’iil ay maalgashi ku sameeyaan kheyraadka dabiiciga ah, dekedaha, dalxiiska, beeraha iyo tamarta dalka.
Madaxweynaha JSL wuxuu sidaas ku sheegay Wareysi uu siiyey warsidaha Globes oo laga leeyahay Israa’iil intii lagu jiray Shirweynaha Dawladaha Adduunka ee Dubai, waxaanu caddeeyay in Somaliland ay furan tahay oo ay leedahay fursado dhaqaale oo ballaadhan.
Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa tibaaxay xeebta dheer ee ay leedahay Somaliland, khayraadka macdanta, shidaalka iyo gaaska, xoolaha iyo dhul-beereedka hodanka ah, wuxuuna bayaamiyay in dalxiiska iyo tamartu ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee maalgashiga u baahan.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidoo kale xusay nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xasilloonideeda siyaasaddeed ay ka duwan deriskooda Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shirkadaha Israa’iil ay fursad u heli karaan dekedaha Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay heshiiska 30 sanno ah ee shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay ku casriyaysay dekedda Berbera, taasoo muujineysa sida Somaliland u diyaar ugu tahay inay la shaqeyso maalgashadayaasha caalamiga ah.
Arrimaha ammaanka gobolka ayuu sidoo kale ka hadlay, Madaxweynaha Somaliland waxaanu isagoo xusay muhiimadda istiraatiijiyaddeed ee Somaliland, gaar ahaan badda cas.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu muujiyey rejo ku wajahan heshiis ganacsi oo ballaadhan oo ay Somaliland la gasho Israa’iil, kaasoo dabooli doona horumarinta, ganacsiga, dalxiiska iyo iskaashiga ammaanka, isla markaana soo dhaweynaya duulimaadyo toos ah oo ka yimaada Tel Aviv ilaa Hargeysa si kor loogu qaado dalxiiska iyo ganacsiga.
