Warbixin Sharraxday Faa’iidooyinka Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa-Warbaahinta caalamiga ah ee The Land of Origins, ayaa daabacday warbixin si qoto dheer uga hadlaysay arrinta aqoonsiga Somaliland, iyada oo si gaar ah u fallanqaysay tallaabadii taariikhiga ahayd ee Israaโ€™iil ay qaaday 26-kii Diseembar 2025.

Warbixintu waxay tibaaxday in aqoonsiga Israaโ€™iil uu muujinayo jidka dhabta ah ee aqoonsiga dawladuhu u bilowdo, maadaama hal dal marka uu tallaabada qaado ay kuwa kalena si tartiib ah u raacaan.

Warbixintu waxay ictiraafka Somaliland ka heshay Israa’iil ku sifaysay mid istaraatiiji ah oo farriin culus u diraya beesha caalamka, isla markaana bilow u ah isbeddel diblomaasiyaddeed oo ballaadhan.

Sida lagu xusay warbixintaas uu qoray The Look and of Origins tallaabadan ayaa keeni karta in dalal badan ay dib u eegaan mowqifkooda ku wajahan Somaliland, islamarkaana ay bilaabaan inay ku daydaan goโ€™aankii ay Israaโ€™iil qaaday.

Warsiduhu waxa kaloo uu iftiimiyay in aqoonsiga Somaliland uu si toos ah ula xidhiidho amniga Badda Cas, marin-ganacsiyeedka caalamiga ah iyo muhiimadda istaraatiijiyeed ee Geeska Afrika. Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday in aqoonsigu yahay geeddi-socod dheer oo u baahan qorsheyn, dulqaad iyo hoggaan goโ€™aan adag leh, balse Somaliland ay leedahay awood iyo fursad ay ku gaadhi karto himiladeeda.

Gebogebadii, warbixintu waxay xustay in aqoonsiga Israaโ€™iil uu Somaliland u furayo albaabo cusub oo dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah ah, isla markaana ay suurto-gal noqonayso in qalinka ay ku wada duugaan heshiisyo difaac iyo iskaashi.