Hay’adda UNICEF oo Shahaado Sharaf Siisay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta ka guddoomay hay’adda UNICEF shahaado sharaf ay ku maamuuseen Wasaaradda, gaar ahaan waaxda Talaalka iyo Caafimaadka Carruurta, taas oo muujinaysa aqoonsi iyo qaddarin ku aaddan dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo caafimaadka Caruurta.

Abaalmarintan ayaa lagu aqoonsaday shaqada hufan iyo horumarka muuqda ee laga sameeyey xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, gaar ahaan gaadhsiinta adeegyada talaalka dhammaystiran ee cisbitaallada gaarka loo leeyahay sannadkii 2025.

Tallaabadan oo ahayd mid ay Wasaaraddu markii ugu horreysay hirgelisay, ayaa door weyn ka qaadatay ballaadhinta adeegyada talaalka, kordhinta helitaanka bulshada, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya qaybaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Hirgelinta qorshahan ayaa si toos ah uga qayb qaadatay kor u qaadista heerka talaalka carruurta, yaraynta cudurrada laga hortagi karo iyo dardargelinta dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka jiilka soo koraya. Sidoo kale, waxay muujinaysaa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay in adeegyada muhiimka ah la gaadhsiiyo dhammaan bulshada, iyada oo la adeegsanayo nidaamyo cusub iyo iskaashi wax ku ool ah.

Munaasabadda guddoonsiinta shahaadadan sharafeed waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Caruurta iyo Talaaladda iyo Agaasimaha Waaxda Adeega Cusbitaaladda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay qorshaynta, fulinta iyo dabagalka barnaamijyada lagu horumarinayo caafimaadka carruurta.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa hay’adda UNICEF uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo sida wanaagsan ee ay Wasaaradda ugala shaqeeyaan horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha carruurta. Waxa ay sidoo kale uga mahadnaqeen maamuuska iyo shahaadada sharafeed ee ay maanta ku maamuuseen Waaxda Adeegga Talaalka (EPI) iyo Caafimaadka Carruurta, taas oo dhiirrigelin u ah sii wadista dedaallada lagu xoojinayo caafimaadka ubadka.