Hargeysa-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Ka qaybgalka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee markii labaad uu ka xaadiray Shirka Sannadlaha ah ee World Governments Summit 2026 ee ka socda Dubai, uu si gaar ah Somaliland ugu yahay mid xambaarsan miisaan diblomaasiyaddeed oo weyn.
Afhayeenku wuxuu xaqiijiyay in shirweynahaasi uu Jamhuuriyadda Somaliland fursad u siinayo in ay codkeeda gaadhsiiso dunida, si ay ugu muujiso aragtideeda, Lana wadaagto beesha caalamka waayo-aragnimadeeda nabadeed, dhismaha dawladnimada iyo nidaamka dimuqraaddiyadda ay ku tallaabsatay.
Xuseen Deyr wuxuu sidaasi tafaasiil kaga bixiyay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu hoosta ka xariiqay in shirkaasi uu sii xoojinayo dedaallada diblomaasiyaddeed ee Somaliland iyo meeqaamkeeda caalamiga ah, wuxuuna tilmaamay in shirku uu ka turjumayo kalsoonida sii kordhaysa ee ay ka kasbanayso fagaarayaasha caalamka.”
Horumarkan la taaban karaa waxa uu ka baxsan yahay awoodda kuwa caadaystay colaada iyo naceybka ka dhanka ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.
Waxa kaloo uu xusay in cadowga Somaliland ay ka muuqato niyadjab aanay Waxba ka beddeli karin horusocodka Somaliland oo sii xoojiinaya kaalinta Somaliland ka qaadanayso mastaxyada caalamiga ah.
