Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay kulammo guul leh oo ay xubnaha weftiga Xukuumadda ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland la yeesheen maalgashadayaal iyo hoggaamiyayaal siyaasadeed caalami ah intii uu socday Shirka Dawladaha Adduunka ee ka dhacay Dubai.
Wasiir Khadar Xuseen Cabdi wuxuu xusay in kulamaddaas taariikhiga ah diiradda lagu saaray sidii Jamhuuriaydda Somaliland uga faa’iidaysan lahayd kheyraadkeeda dabiiciga ah, sida macdanta lithium, iyo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashadayaal caalami ah si loo horumariyo dhaqaalaha iyo warshadaha dalka.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay internetka ee X, waxa uu ku yidhi “Waxaannu ku qaadannay maalin aad waxtar u leh magaalada Dubai oo uu ka socdo Shirka Dawladaha Adduunku, annaga oo si firfircoon ula macaamilaynay maal-gashadayaasha caalamiga ah, sidoo kalena aanu la kulanay hoggaamiyeyaasha sare ee siyaasadda si aan uga wada hadalno fursadaha muhiimka ah ee iskaashiga.”
