Somaliland iyo Israa’iil oo kala Saxeexanaya Heshiis Iskaashi oo Ballaadhan

Hargeysa-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa doonaysa inay dhawaan la gaadho heshiis ganacsi oo ay la saxeexato Israa’iil, oo noqotay waddankii ugu horreeyay ee ictiraafay madax-bannaanideeda.Sidaasna waxa werisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi uu muuqaal ah la yeellatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka qaybgalay shirweynaha dawladaha Adduunka ee ka socda Dubai.

Israa’iil ayaa daboyaaqadii bishii December si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil ayaa xusay in dalkiisu doonayo wada shaqayn degdeg ah oo ku wajahan beeraha, caafimaadka, tignoolajiyadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ilaa hadda aan la gelin heshiis dhaqaale oo laba geesood ah, hase ahaatee ay jiraan himilooyin xoog leh oo la xidhiidha inay labada dawladod galaan heshiis iskaashi.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Somaliland ay si buuxda u rajaynayso maalgelin, iyo iskaashi ganacsi oo ay la yeelato ganacsatada iyo dawladda Israa’iil mustaqbalka dhow.Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu intaas ku daray inay Somaliland tahay dal qani ku ah kheyraad dabiici ah, oo ay ka mid yihiin macdanta, shidaalka, gaaska, khayraadka badda, beeraha iyo tamarta.

Waxaanu tibaaxay in Somaliland leedahay xoolo, kalluun iyo macdan, kuwaas oo suuq weyn u noqon kara Israa’iil, isla markaana ganacsigu ku bilaabmi karo qeybahaas aasaasiga ah, iyada oo fursaduhuna aad u mug weyn yihiin.Waraysigan waxa ay Wakaaladda Wararka ee Reuters bayaamisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso in ay ka faa’iidaysato tignoolajiyadda horumarsan ee Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka, tamarta iyo adeegyada casriga ah.

Somaliland waxay xustay in khayraadkeeda macdaneed ay ka mid yihiin keyd ballaadhan oo lithium ah, taas oo muhiim u ah baytariyada iyo gaadiidka korontada ku shaqeeya. Waraysiga Reuters ay la yeellatay Madaxweynaha Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa lagu xusay in Sannadkii 2024kii shirkadda macdanta ee Sacuudiga ah ee Kilomass ay Somaliland ka heshay heshiis sahamin oo la xidhiidha lithium iyo macdano kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa u mahadnaqay Israa’iil oo noqotay dalkii koowaad ee aqoonsada Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay mustaqbalka filayso iskaashi dhinaca amniga iyo milatariga ah, haddana waxa uu caddeeyay in aan weli laga wada hadlin saldhigyo ciidan oo Israa’iil ay ka samaysato Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in uu aqbalay martiqaad uga yimid Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, isla markaana uu booqan doono Israa’iil, inkasta oo aan la muddaynin wakhtiga socdaalkiisa. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa hore u booqday Somaliland bishii hore.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay rejada ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qarammada Midoobay ay mustaqbalka raaci doonaan tubtii Israa’iil, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka, isaga oo xusay in aqoonsiga caalamiga ahi uu qaato wakhti.Madaxweynaha JSL waxa uu intaas ku ladhay in Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay Maraykanka, oo uu aaminsan yahay in Madaxweynaha Maraykanku mustaqbalka aqoonsan doono Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaan fursado maalgashi ku soo bandhigay kulan ka dhacay Davos, kaas oo ay ka qaybgaleen ganacsato uu ku jiray wiilka Madaxweynaha Maraykanka.Reuters waxa ay warbixinteeda ku soo gabogabaysay in Somaliland ay wada shaqayn la leedahay Imaaraadka Carabta, iyadoo shirkadda DP World ay maalgashi ballaadhan ku leedahay dekedda Berbera.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay filaysaa in dawladda Sucuudigu ay ku samayso dalka maalgashi la mid ah kan ay dalal kale ka fuliyeen Somaliland.